Macluumaadka COVID-19 iyo Warbixinta Tallaalka

Macluumaadka COVID-19 iyo Warbixinta Tallaalka

Macluumaadka COVID-19 iyo Warbixinta Tallaalka

Macluumaadkii ugu danbeeyay ee ku saabsan sida COVID-19 u saamaynayo daryeelkaaga.

Samee xulasho xog ogaal ah oo ku saabsan tallaalka COVID-19.

Sababta OhioHealth ugu talineyso in la qaato tallaalka

  • Tallaalku waxa uu kaa difaaci doonaa fayraska. The Federal Drug Administration (Laanta Federaalka ee qaabilsan Maareynta Daawooyinka) waxay kaliya ansixin doontaa tallaalada COVID-19 ee aadka waxtarka u leh. Haddii aad qaadato tallaalka waxaa yaraanaya suurtagalnimada inuu kugu dhaco xanuunka, sidoo kalena khabiiradu waxay aaminsan yihiin in tallaalku ka hortagi karo calaamadaha aadka u daran haddii xanuunka kugu dhaco.
  • Tallaalka waa hab badqab leh oo aad ku kobcin karto nidaamka difaaca jirkaaga. Qofna ma hubo sida caabuqa COVID-19 uu kuu saameyn doono, laakiin waxaan ognahay inuu sababi karo calaamado halis ah, ama kuwo keeni kara geeri. Tallaalku waxa uu kaa caawin karaa in jirkaagu soo saaro difaacyaasha jirka ee la dagaalama fayraska, iyadoon wax xanuun ah kugu keenaynin.
  • Tallaalku waxa uu gacan ka geesan karaa in la baabi’iyo aafada. Xirashada maaskarada, kala fogaanshaha dadka, iyo dhaqida gacmahaaga waxay yareeyaan suurtagalnimada inaad qaado COVID-19 , laakiin tallaalku waxa uu habka difaaca jirkaaga ka dhigayaa mid u diyaarsan ka hortaga xanuunka haddii uu ku dhaco, khabiiradu waxay dhaheen iskudarka sameynta habka lagu hortaga xanuunka iyo qaadashada tallaalka ayaa ah qaab ugu wanaagsan ee looga taqalusi karo COVID-19.

SIDA BALLANTA LOO QABSADO MARKA AAD DIYAARKA TAHAY

Ikhtiyaarka 1 aad: OhioHealth MyChart

Bukaanada leh akoonka MyChart ee OhioHealth waxay ballanta kuuradooda koowaad ee tallaalka COVID-19 ka qabsan karaan MyChart.OhioHealth.com ama waxay ka qabsan karaan app-ka OhioHealth.

Ikhtiyaarka 2 aad: Rugta caafimaadka iyo goobaha bulshada

Booqo Vaccine.Coronavirus.Ohio.gov si aad u ogaato liiska goobaha ee bixiyaha tallaalka kuna yaala gudaha Ohio. Haddii aad hesho fursad aad tallaalka kaga heli karto goob kale oo xaafadaada ku taal, waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad ka faa’ideysato.

Isbitaalada OhioHealth, ballamaha waxay ku cayiman yihiin tirada talaallada aan helno. Haddii aysan jirin ballamo banaan marka aad ballan qabsanaysid, ku celceli. Waxaan sii wadi doonaa inaan ku darno boosas cusub markaan helno talaallo dheeraad ah. Xaafiisyada dhaqaatiirta OhioHealth kuuma qaban karaan ballanta tallaalka, marka fadlan dhaqaatiirtaada ha u wicin ama fariin ha u dirin si ay kuugu qabtaan ballan.

Goobaha Tallaalka iyo Baaritaanka COVID-19

U diyaar garoow Ballanta Tallaalkaaga COVID-19

Waxa ay tahay inaad oggaato kahor inta aadan aadin

Waxaan naga caawin kartaa inaan ballanta tallaalka COVID-19 u socodsiino si habboon adoo dulmar ku sameynaaya xeerarka iyo tallaabooyinka kahor inta aadan imaan ballantaada. Sidoo kale waxaan sharaxaynaa waxa aad filan karto kahor iyo kadib ballantaada koowaad ama ballantaada labaad.

Maalinta ballanta ee talaalkaaga

Yaa kusoo raaci kara

Dadka waawayn ee jira 18 ama kasii wayn ballantooda ma keeni karaan booqdayaal ama carruur, marka laga reebo hal daryeele oo caafimaad ahaan ay muhiim tahay. Dadka jira 16 ama 17 sano oo qaadanaya tallaalka waa qasab inay dhammaan ballamaha tallaalka wehliyaan waalid ama masuul.

Xiro maaskaro iyo dhar gacmo gab ah

Waxaan kusiin doonaa maaskarada nooca qalliinka ah oo nadiif ah si aad u xirato marka aad timaado. Maaskaradaada wajiga waa inay daboosha sanka, afka iyo garka waqti kasta. Dharka gacmaha gabka ah ama marada kore oo aan ku dhaganeyn waxay ka caawinaysaa in aad si sahlan u baneeyso qaybta sare ee gacantaada.

Soo qaado Aqoonsiga kaarka diiwaankaaga tallaalka

Waa qasab inaad keento Aqoonsi leh magacaaga iyo da'daada. Waan aqbali doonaa Aqoonsiyada dhacay ama kuwa gobalada ama dalalka kale. Haddii aad qaadaneyso kuurada labaad ee tallaalkaaga, waa in sidoo kale aad keentaa kaarka diiwaankaaga talaalka COVID-19.

Ku imoow wakhtiga

Fadlan ha imaan xili dambe ama wax ka badan 10 daqiiqo haka soo hormarin ballanta si aadan u khalkhalin ballanta dadka kale. Guud ahaan ballanta waa inaysan ka badan 30-45 daqiiqadood.

Joogtee kala fogaanshaha bulshada ee badqabka ah

Inta lagu jiro muddada ballantaada, waxaan kaa codsaneynaa inaad ugu yaraan 6 fiit u jirsatid dadka, bukaanada kale iyo asxaabteena.

Waxa aad ka filan karto kuuradaada koowaad ee (Pfizer, Moderna, iyo Johnson & Johnson)

Tallaabada 1 aad: Fiiri ballantaada marka aad imaato. Mid kamid ah asxaabteena ayaa ku waydiin doono su'aalo badan waxa uuna kusiin doonaa kaarka diiwaanka tallaalka. Kaarkaaga waxaa ku qoran magacaaga, taariikhda aad dhalatay, goobta iyo nooca tallaalka aad qaadaneyso (Pfizer, Moderna, iyo Johnson & Johnson)

Tallaabada 2 aad: Waxaa lagaa codsan doonaa inaad sugto illaa markaaga la gaarol. Marka mid kamid ah asxaabta rugta caafimaadkaaga uu diyaar u yahay inuu kugu duro tallaalka, lambarkaaga ayaa loo wici doonaa.

Tallaabada 3 aad: Marka lambarkaaga loo waco, waxaad kaarka diiwaanka tallaalkaaga u dhiibaysaa asxaabta rugta caafimaadka. Waxay kuweydiin doonaan dhowr su'aalood. Ayadoo lagu saleynaayo jawaabahaaga, waxaa lagaa codsan doonaa inaad sugto 15 ama 30 daqiiqadood si loo sameeyo kormeer la socosho kadib marka aad qaadato tallaalka. Qaadashada tallaalkaaga kaliya waxay qaadan doontaa muddo yar, waxaadna dooran kartaa gacanta aad rabto inaad ka qaadato.

Tallaabada 4 aad: Sugida kormeerka la socoshada waa qayb aad muhiim u ah oo kamid ah nidaamka. Waxaan dooneynaa inaan hubino inaadan qabin wax falcelin jireed ah oo xaalad caafimaad daro kugu keeni kara.

Tallaabada 5 aad: Haddii aad qaadatay tallaalka halka kuuro leh ee Johnson & Johnson, markaas waad dhameysatay tallaalka! Waxay qaadan kartaa dhowr asbuuc inaad hesho hab difaaca jirka ee ugu badan. Haddii aad qaadatay tallaalka Pfizer ama Moderna, waxaan kuu qaban doonaa ballanta tallaalkaaga labaad kahor inta aadan bixin. Ayada oo ay ku xiran tahay nooca talaalka aad qaadanayso, tani waxay noqon doontaa 21-28 maalmood kadib marka aad qaadato tallaalkaaga koowaad. Lama yaqaan cadadka difaaca jirka ee uu bixin doono halka kuuro ee tallaalka COVID-19, sidaas awgeed waa muhiim inaad ballanta kuuradaada labaad soo dhaweyso aadna ka dhigto muddada lagu taliyay sida ugu macquulsan. Kuuradaada labaad waxay kor u qaadaysaa jawaab celinta difaaca jirkaaga ee COVID-19 waana muhiim in laga gaaro hab difaaceedka ugu badan.

Waxa aad ka filan karto kuuradaada labaad ee (Pfizer iyo Moderna oo keliya)

Fiiri ballantaada marka aad imaato. Mid kamid ah asxaabteena waxaa ku waydiin doonaa kaarka diiwaanka tallaalka ama sawirkiisa. Haddii aad iska dhumisay kaarkaaga ama aadan ka hayn sawir, waxaan khadka ka fiirin kartaa diiwaankaaga. Kadib marka aad imaato xarunta, tilmaamaha balanta kuuradaada labaad waxay noqonaysaa isla tilmaamihii ballanta kuuradaadii koowaad.

Waxaa laga yabaa inaad saameyn badan ka heesho tallalka kadib marka aad qaadato kuuradaada labaad marka loo barbardhigo kuuradaadii koowaad, laakiib qof kasta sidaas ma dareemo. Calaadamaha hoose ee tallaalka waa calaamado inta badan la arko taasoo caddaynaysa in habka difaaca jirkaaga oo awood u yeelanaayo sidii uu uga falcelin lahaa fayraska. Badanaa waxay baaba'aan maalin ama labo maalmood gudahood. Cabida biyo badan, qaadashada nasasho badan habbeenkii iyo cunista cunto dheelitiran kahor ballantaada ayaa kaa caawin kara yareynta saameynta tallaalka.

Waxay qaadataa illaa labo asbuuc kadib qaadashadaada kuuradaada labaad si aad u hesho hab difaaca jirka ee ugu sareeya. Qaadashada tallaalka waxa uu ka hortagayaa caabuqa daran, laakiin ma bixiyo nidaam difaac oo 100% ah. Waxaad ilaalin kartaa dadka kale ee sugaaya inay markooda qaataan tallaalka adigoo afkaaga iyo sankaaga ku daboolaya maaskaro, dhaqaaya gacmahaaga badanaa, iyo kana fogaanaya dadka kale ugu yaraan 6 fiit.

Ballan dib u qabso haddii aadan caafimaad dareemeyn

La soco sida aad dareemayso illaa maalinta ballantaada. Fadlan dib u qabso ballantaada haddii:

  • Aad xanuun dareento maalinta tallaalkaaga.
  • Ka ag-dhawaatay dadka qaba COVID-19 ama aad qabto COVID-19 aadna kujirto karantiil.
  • U safartay meel ka baxsan gobolka labada todobaad ee ka horaysa ballantaada.
  • Qaadatay difaacyada jirka nooca monoclonal ama daaweynta ku talaalidda plasma-ha ee loogu tala galay COVID-19 muddo 90 kii maalmood ee lasoo dhaafay.
  • Qaadatay talaal kale labadii todobaad ee lasoo dhaafay.

Saameyn suurtagalka ah ee COVID-19

Waxyeelo meel dhexaad ah waa mid caadi u ah talaalada. Waana calaamad muujinaysa in hanaankaaga difaaca jirkaaga uu ka jawaabayo fayraska. Waxaan la socon doonaa xaaladaada 15-30 daqiiqadood kadib marka aad qaadato kuurooyinka koowaad iyo labaad ee tallaalkaaga, laakiin waa muhiim inaad iska eegto caalamadaha saameyn tallaalka kadib marka aad baxdo.

Waxaad dareemi kartaa:

  • Daal
  • Xanuun yar oo jirka ah ama xanuun kala goysyada ah
  • Qarqaryo jirka ah
  • Qandho heerkeedu hooseeyo
  • Madax xanuun
  • Lalabo
  • Murqo xanuun yar, gaduudasho ama barar kajira cududda talaalka lagaa siiyay
  • Nabaro yaryar oo bararsan*

Calaamadaha saameynta tallaalka waxay badanaa soo baxaan kadib kuurada labaad ee tallaalka, laakiin caadiyan waxay ku baaba'aan maalin ama labo maalmood gudahood. Cabida biyo badan, qaadashada nasasho badan habeenkii iyo cunista cunto dheelitiran kahor ballantaada ayaa kaa caawin kara yareynta saameynta tallaalka. Inaad ku sameyso jimicsi gacanta dhanka aad ka qaadatay tallaalka waxay kaa caawin kartaa inaad dareento deganaansho. 

Wac dhaqtarkaaga daryeel bixiyaha koowaad ama dooro daryeel degdeg ah haddii aad qabto saameyn tallaal. Dhaqtarkaaga waxa uu sidoo kale kugula talin karaa inaad qaadato xanuun baabi'iyaasha acetaminophen ama ibuprofen. Haddii calaamadahaagu kasii daraan, booqo waaxda arrimaha degdeg ah ama wac 911.

*Nabaro yaryar oo barrarsan oo kasoo baxa gacanta hoosteeda ayaa ah waxyeelooyinka tallaalka COVID-19 waxaana lagu qaldi karaa kansarka naaska inta lagu jiro baaritaanka kansarka naaska. Iskuday inaad ballantaada baaritaanka naaska sida raajitada naaska inaad sameyso kahor inta aadan qaadan kuuradaada koowaad ee tallaalka ama lix asbuuc kadib marka aad qaadato kuurada kugu danbeeya ee tallaalka. Baaritaanka naaska waa mid kamid ah qaabab ugu wanaagsan ee lagu oggaado kansarka inta uu yaryahay, sidaas awgeed daib ha u dhigin baaritaankaaga naaska haddii aad isku aragto buro ama astaamo cusub oo naaska kasoo baxa, sida dheecaan ibta kasoo baxa, maqaarka oo isbadela ama nabaro kasoo baxa (nabaro waawayn oo aan ahayn kuwa caadiga ah).

Halaguu diyaariyo v-safe

Waa inaad hesho macluumaad ku saabsan v-safe inta lagu jiro ballantaada. V-safe waa barnamiij lacag la'aan ah oo kuu oggolaanaya inaad oggaato Xarumaha Xakameynta iyo Kahortaga Cudurada haddii aad dareento saameynta tallaalka. Sidoo kale waxa uu kusoo diri karaa fariin xasuusin oo ku saabsan kuuradaada labaad!

Su`aalaha inta badan la isweydiiyo ee Talaalka COVID-19

Jawaabaha su'aalaha ugu muhiimsan ee tallaalka. Waxaan rumaysannahay in talaalka COVID-19 uu u taagan yahay fursaddeena ugu weyn ee aan ku dhammayn karno safmarka korona fayraska. Dhaqaatiirteena waxay si wayn ugu talinayaan in dhammaan dadka u qalma tallaalka ay qaataan, illaa ay dhaqtaradooda caafimaadka kula taliyaan inaysan qaadan mahee. Waxaan rajeynaynaa in jawaabahaan ku saabsan su'aalaha badanaa la isweydiiyo ay kaa caawin doonaan inaad gaarto go'aan habboon.

YAA HADDA HELAAYA TALLAALKA?

OhioHealth waxay ballanta tallaalka u qabataa dadka jira 16 ama kasii wayn.

Sababo la xariir helida talaalka, waxaa laga yabaa tallaalka in loo heli waayo dhammaan dadka raba illaa gu'ga ama biloowga xagaaga. Siiwad inaad sameyso habdhaqanka badbaadada leh, sida xirashada maaskarada, kala fogaanshaha dadka iyo dhaqida gacmaha.

WAA MAXAY NIDAAMKA LAGU HELO TALLAALKA?

Dadka jira 16 sano ama kuwa kasii wayn oo leh akoonka OhioHealth MyChart waxay oonleen ka qabsan karaan ballan. 

Tallaalka mRNA (Pfizer-BioNTech iyo Moderna) waa muhiim in laga qaato labo kuuro si looga helo habka difaaca ee ugu badan, ballanta kuuradana waa inay u dhexeysaa 21–28 maalmood. Ballanta kuurada labaad waxaa si toos ah u qabsada qofka kahor inta uusan ka tagin ballantiisa kuurada labaad. Waxaa aad loogu talinayaa in ballantaada kuurada labaad u dhaweyso muddada lasoo jeediyay sida ugu macquulsan. Waxay qaadataa illaa labo asbuuc kadib qaadashadaada kuuradaada labaad si aad u hesho hab difaaca jirka ee ugu sareeya. OhioHealth ma qabato ballanta kuurada labaad, illaa inaad kuurada koowaad ka hesho OhioHealth mahee.

Tallaalka Johnson & Johnson waa tallaal laga sameeyay habka fayrasyada badan, waxa uuna u baahan yahay kaliya in laga qaato hal kuuro.

OhioHealth ma awoodo inay doorato noocyada ama cadadka tallaalka ee aan helno.

HALKEE AADI KARAA SI AAN U HELO TALLAALKA?

Ballamaha tallaalka COVID-19 waxaa laga heli karaa oo kaliya rugta caafimaadka OhioHealth ee loogu talagalay tallaalka. Isbitaaladeena, waaxaha xaaladaha degdeg ah, goobaha daryeelka degdeg ah, iyo xafiisyada dhaqaatiirta tallaalka COVID-19 ma siinayaan dadwaynaha. Marka aad qabsato ballanta, waxaad dooran doontaa goobta aad dooneyso waxaadna helaysaa macluumaad ku saabsan meesha aad aadayso. 

Sidoo kale waxaad tallaalka ka heli kartaa rugta caafimaadka iyo adeeg bixiyaasha guud ahaan kajira Ohio. Si aad u aragto liiska goobaha caafimaadka iyo adeeg bixiyaasha bixiya tallaalka COVID-19, booqo webseedka Waaxda Caafimaadka Ohio.

WAA MAXAY TIRADA BALLAMAHA TALLAALKA EE OHIOHEALTH BIXISO ASBUUC KASTA?

OhioHealth waxay isku barbar dhigtaa tirada ballamaha aan qabano iyo tirada kuurooyin aan rajeyneyno in naloo keeno mar kasta oo shixnad la keeno.  Haddii aysan jirin ballamo banaan marka aad ballan qabsanaysid, muddo kadib dib ugu laabo. Waqtigaan, ma keydino ballamo aan dib ka qabanayno.

Sidoo kale waxaad ballanta tallaalka COVID-19 ka heli kartaa rugta caafimaadka iyo adeeg bixiyaasha kale ee guud ahaan kajira Ohio. Si aad u aragto liiska goobaha caafimaadka iyo adeeg bixiyaasha bixiya tallaalka COVID-19, booqo webseedka Waaxda Caafimaadka Ohio.

MA QAADAN KARAA TALLAALKAYGA ISLA WAQTIGA UU QAADANAAYO QOFKA QARAABADAYDA AH?

Haddii aad doonayso inaad hesho talaalkaaga isla waqtiga uu qaadanaayo qof qoyskaaga katirsan, waa inaad sugtaan illaa inta qof kasta oo idin kamid ah uu u qalmaayo ballanta lana helaayo ballamo isku xig-xiga. Ballanta kuurada koowaad iyo kuurada labaad waxaa si toos ah u qabsada shaqsiyaadka. Ballamaha lamaanuhu wada qabsadaan iyo kuwa koox ahaan lagu qabsado lama heli karo.

WAXAAN KUURADA KOOWAAD EE TALLAALKAYGA KA HELAY MEEL KALE. KUURADA LABAAD EE TALLAALKAYGA MAKA HELI KARAA OHIOHEALTH?

Waqtigaan, ma qabanayno ballanta kuurada labaad, illaa inaad kuurada koowaad ka heshay OhioHealth mahee.

Haddii aad qaadatay tallaalka halka kuuro leh ee Johnson & Johnson, uma baahnid kuuro labaad.

TALLAALADEE AYAA LA OGGOLAADAY?

Saddex tallaal oo ah COVID-19 ayaa la oggolaaday in loo isticmaalo xaaladaha degdeg ah sida ay oggolaatay Maamulka Cuntada iyo Daawooyinka (FDA). Tallaalada ay soosaareen Pfizer-BioNTech iyo Moderna waxay bilowdeen inay imaadan Ohio markay ahayd Diseembar 2020. Tallaalka Johnson & Johnson waxaa oggolaatay FDA bisha Febraayo 2021.

QAAR KAMID AH TALLAALKA COVID-19 OO KA WANAAGSAN QAAR KALE MIYAA JIRA?

Dhammaan tallaalada COVID-19 ee ay oggolaatay FDA waa kuwo badqab leh dadka qaatana waxay ka helaan hab difaac aad u wayn, marka tallaalka COVID-19 ee aad qaadan karto waa midka aad heli karto.

Dhammaan tijaabooyinka tallaalada COVID-19 ee ay oggolaatay FDA waxay muujiyeen in boqolkiiba 100% ay waxtar leeyihiin ayna ka hortagaan in qofka la jiifiyo isbitaal ama dhinto, sidoo kale waxay leeyihiin waxtar aad u wayn oo ay kaga hortagayaan in COVID-19 saa'iid loogu xanuunsado. Faa'iido gaar ah uma jirto in la kala doorto noocyada kala duwan ee tallaalka ay soo saaraan shirkaduhu, sidoo kale dib u dhigida qaadashada tallaalka laguma talinaayo haddii aad heli karto. Macluumaad badan oo ku saabsan soosaarista tallaalka COVID-19 iyo nidaamka loo ansixiyo ka baro Bogga OhioHealth.

BALLAMAHA XARUNTA MARKA LA TAGO LA QABSADO MALA HELI KARAA?

Ballamaha xarunta lagu qabsado marka la tago kadib lagama heli karo isbitaalada OhioHealth, Waaxaha xaaladaha degdeg ah, xaafiisyada dhaqaatiirta ama goobaha daryeelka degdeg ah.

WAX KHARASH AH OO LA ISKAGA RABO TALLAALKA MAJIRAA?

OhioHealth waxay talaalka COVID-19 lacag la'aan ku siinaysaa bulshadeena. Si kastaba ha ahaatee, haddii aad leedahay caymis, OhioHealth waxay ku dalacaysaa bixiyaha caymiskaaga kharashka laguugu qoray talaalka. Ma bixin doontid lacag haraadi ah, lacag lagaa jaray, lacag la wada bixinaayo ama lacagta qayb caymiska lagu bixiyo. Laynka OhioHealth Price ka wac (614) 566.8707 haddii aad qabto su'aalo ama (telefoonka lacag la'aanta ah) (844) 393.1035.

Haddii aadan haysan caymis, lacag lagaagama qaadaayo tallaalka. OhioHealth waxay lacag bixinta u gudbin doontaa dawlada ayadoo u maraysa CARES Act ee loogu talagalay shaqsiyaadka aan haysan caymiska.

Qaadashada tallaalka

MAXAY TAHAY SABABTA AAN U QAADANAAYO TALLAALKA COVID-19?

Tallaal kasta oo ay oggolaato FDA waxa uu bixin doonaa xoogaa heerarka difaaca jirka ee COVID-19. Tallaalka COVID-19 lama filaayo inuu bixiyo difaac jireed oo buuxa, si lamid sida tallaalada jadeecada, qaamo-qashiirta iyo cudurka rubella (mumps and rubella) (MMR) ama bus-buska. Waxay u badan tahay inay u dhaqmaan talaalka hargabka, hab difaac oo aan dhameystirneyn ama qayb ah. Arrintaas awgeed, dadka qaadanaaya tallaalka waxay wali qaadi karaan COVID-19, laakiin calaamuduhu waxay noqonayaan kuwo khatar yar.

SIDEE TALLAALKU U SHAQEEYAA?

Tallaalku waxa uu bixiyaa hab difaac jireed asagoo abuuraya difaacyada jirka la dagaalama fayraska kujira nidaamka difaaca jirkaaga si haddii aad qaado xanuunka, uu jirkaagu awood ugu yeesho inuu la dagaalamo fayraska kahor inta aadan ku xanuunsan. Inkastoo tallaalka aan laga filaneyn inuu bixiyo nidaam difaac jireed oo buuxa, hadana waa habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo qaadista COVID-19 ama lagu yareyn karo calaamadaha haddii uu kugu dhaco COVID-19.

WAA MAXAY NIDAAMKA DIFAACA JIRKA EE AAN TOOSKA AHAYN AMA NIDAAMKA DIFAACA JIRKA BULSHADA? MAXAY TAHAY SABABTA UU MUHIIM U YAHAY?

Si loola dagaalo COVID-19, waa inaan sameyno nidaamka difaaca jirka ee aan tooska ahayn. Nidaamka difaaca jirka ee aan tooska ahayn, oo sidoo kale loo yaqaan habka difaaca jirka dadka, waa marka tiro dad ah oo ku filan ay qaataan habka difaaca jirka ee xanuunada fayraska keena kuwaas oo meesha ka saaraya in xanuunka ku faafo dadka dhexdooda.   Haddii dad badan ay qaataan difaaca tallaalka ee jirka, waxaan ka hortagi karnaa faafida cudurka waxaana sameyn karnaa nidaam difaac oo aan toos ahayn.  Xataa shaqsiyaadka aan qaadan tallaalka waxay helayaan difaac lamid ah sababtoo ah fursada uu xanuunka bulshada ku dhex faafi karo ayaa yar.

WAA MAXAY TIRADA BOQOLKIIBA BULSHADA EE LOO BAAHAN YAHAY INAY QAATAAN TALLAALKA SI LOO HELO NIDAAMKA DIFAACA JIRKA EE AAN TOOSKA AHAYN EE COVID-19?

Khabiiradu wali ma aysan oggaan tirada boqolkiiba dadka laga doonaayo inay qaataan tallaalka si loo helo nidaamka difaaca jirka COVID-19 ee aan tooska ahayn. Boqolkiiba dadka laga doonaayo inay qaataan difaaca tallaalka si loo helo nidaamka difaaca jirka ee aan tooska ahayn xanuunadu way ku kala duwan yihiin.

MAJIRTAA WAX SABAB AH OO UUSAN QOF U QAADAN KARIN TALLAALKA COVID-19?

Dadka kayar 16 sano waa inaysan qaadan tallaalka COVID-19 sababtoo ah wali waxaa baaritaan lagu wadaa in la oggaado habka saxda ee carruurta.

Dadka qaba falcelinta xasaasiyada aadka u daran, sida xasaasiyad aadka u daran ee cuntada, ama daawooyinka, waa inay tallaalka COVID-19 kala hadlaan dhaqtarkooda kahor inta aysan qaadan.

Bukaanada qaatay faleebada lagu shubay difaacyaasha jirka ee loogu talagalay COVID-19 waa inay sugaan 90 maalmood kahor inta aysan qaadan tallaalka COVID-19.

Dad qaba xanuunka muddada gaaban, sida xanuunka dhuunta ama hargab, waa inay sugaan qaadashada tallaalka illaa ay ka fiicnaanayaan.

SIDEE KU OGGAADAA IN TALLAALKA COVID-19 BADBAADO YAHAY?

Nidaamka Badbaadada tallaalka ee Maraykanka waxa uu hubiyaa in dhammaan tallaaladu leeyihiin badqab sida ugu macquulsan. Tijaabooyinka caafimaadka waxaa lagu daraasadeeyaa waxtarka tallaalada ayadoo ay ka qaybqaadanayaan kumanaan ka qaybgalayaal. Xogta tijaabooyinkaas waxaa loo gudbiyaa Maamulka Cuntada iyo Daawooyinka Maraykanka (FDA) si ay u go'aamiyo badqabka iyo waxtarka tallaalka. Haddii FDA go'aamiso in tallaalka uu kasoo baxay shuruudaha adag ee waxtarka, markaas waxay tallaalka ka dhigi kartaa in loo adeegsado xaaladaha oggolaanshaha ama xaalada oggolaanshaha degdeg ah. Kadib marka FDA ay sameyso go'aankeeda, (Guddiga La talinta ee Ku dhaqanka Tallaalka) Advisory Committee on Immunization Practices (ACIP) waxay eegaan xogta la heli karo kahor inta aysan tallooyinka tallaalka ee ugu dambeeya usoo gudbin Xarunta Xakameynta iyo Kahortaga Cudurada (CDC). Nidaamka soosaarista tallaalka COVID-19 waxa uu maraa dhowr tallaabo oo u dhigta kuwa la mariyo tallaalada kale, mana jiraan nidaam soosaar tallaal oo laga boodo.

MA JOOJIN KARAA XIRASHADA MAASKARADA IYO JOOGTEYNTA KALA FOGAANSHAHA BULSHADA KADIB MARKA AAN QAATO TALLAALKA?

Dhammaan tallaalada loo oggolaaday in loo isticmaalo xaalada degdeg ah waxay ka hortagaan in qofka isbitaal la dhigo iyo dhimashada. Marka inaad qaadato tallaalka ayaa ah habka ugu wanaagsan ee aad iskaga ilaalin karto COVID-19. Waqti ayay qaadanaysaa in bulshadu ay gaarto nidaamka difaaca jirka ee aan tooska ahayn. Lama yaqaan tirada boqolkiiba dadka loo baahan yahay in la tallaalo si loo yareeyo faafida fayraska ayadoo la adeegsanaayo habka difaaca bulshada ee aan tooska ahayn. 

Waxaad caawin kartaa dadka kale ee sugaaya in ay markooda qaataan tallaalka adigoo afkaaga iyo sankaaga ku daboolaya maaskaro, dhaqaaya gacmahaaga badanaa, iyo kana fogaanaya dadka kale ugu yaraan 6 fiit. Tallaalku ma bixiyo habka difaaca COVID-19 oo 100% ah, marka waxaa jira suurtagalnimo yar inaad qaado xanuunka aadna kusii faafiso dadka kale. 

HADDII UU HOREY IIGU DHACAY COVID-19 WALI MA WAXAAN U BAAHANAHAY INAAN QAATO TALLAALKA?

Lama oga inta uu sii jiri doono difaaca jirka ee infakshanka COVID-19 looga ilaalinaayo jirka. Sababo la xariira halista caafimaadka ee aadka u daran ee COVID-19, waxaa lagugula talinayaa inaad qaadato tallaalka xataa haddii aad kasoo kabsatay COVID-19.

WAXYEELO CAAFIMAAD MIYAA KALA KULMAYAA TALLAALKA COVID-19

Waxyeelooyinka yaryar waxay muujinayaan in jirkaagu jawaab celin ka bixinaayo tallaalka uuna abuuraayo difaac ka dhan ah COVID-19. Waxyeelooyinka caafimaad waxay noqon karaan sida astaamaha hargabka ama qaboowga, waxayna sidoo kale saameyn ku yeelan karaan hawlahaaga maalinlaha ah, laakiin waa inay baaba'aan dhowr maalmood kadib.

TALLAALKA COVID-19 MA SAAMEYN KARAA TIJAABADA BAARITAANKA NAASKA?

Nabaro yaryar oo barrarsan oo kasoo baxa gacanta hoosteeda ayaa ah waxyeelooyinka tallaalka COVID-19 waxaana lagu qaldi karaa kansarka naaska inta lagu jiro baaritaanka kansarka naaska. Iskuday inaad ballantaada baaritaanka naaska sida raajitada naaska, baaritaanka sawirka (ultrasounds) iyo MRIs inaad sameyso kahor inta aadan qaadan kuuradaada koowaad ee tallaalka ama lix asbuuc kadib marka aad qaadato kuurada kugu danbeeya ee tallaalka. Tani waxaa lagu talinayaa marka ay macquulka tahay, haddii aan la daahin karina waa in la sameeyo daryeel muhiim. Dib ha u dhigin baaritaanka naaska haddii aad isku aragto buruq yar ama astaamo, sida ibta naaska oo dheecaan ka yimaado, isbadel maqaarka ku dhaca ama nabaro yaryar (nabaro yaryar oo waawayn oo kuwa caadiga ah ahayn). Baaritaanka naaska waa mid kamid ah qaabab ugu wanaagsan ee lagu oggaado kansarka marka uu cusub yahay. Kala hadal dhaqtarkaaga haddii aadan hubin inaad dib u dhigto baaritaanka naaska sababo la xariira tallaalka COVID-19.

SIDEE ARRIMUHU ISKU BADELAYAAN HADDII AAN QAATO TALLAALKA?

Wali ma oggin inta difaaca tallaalka ee kumeel gaarka ah ay socon doonto. Xataa haddii aad qaadatay tallaal, wali waxaa laga yabaa inaad la xanuunsato COVID-19 sidoo kalena waa suurtagal inaad qaadsiiso dadka kale ee halista aadka ah ugu jira xanuunka. Waa inaad siiwado xirashada maaskarada, joogteeysaa kala fogaanshaha bulshasa aadna raacdaa tallaabooyinka kale ee looga hortagaayo COVID-19.